AFKA HOOYO WAA LAMA HURAAN!
Afka hooyadu waa luuqadda ama afka hooyadu ilmaheeda ku anqariso. Waa afka hooyadu ku hadasho asal ahaan iyo isir ahaanba. Afka hooyada waxaa la siiyaa mudnaan dheeri ah, waayo wuxuu kaabaa ama fududeeyaa barashada afafka kale. Guud ahaan afku waa awood iyo karti, waana weelka dhaqanka weeleeya isla markaana dhawra. Taa macnaheedu waxa weeye, haddii aad af taqaanid waxaad taqaanaa dhaqanka afkaasi sido.
Waxaa dhici karta qofku hadii uu barto afaf badan in uu noqdo qofaf badan. Middaasina waxay u soo kordhinaysaa qofkaas jaanisyo iyo farsado badan oo uu yeesho. Bilmatal haddii aad shaqo-raadiye tahay oo aad hal af taqaanid deetana tartan la gashid qof yaqaana afaf badan oo kale, Wuxuu garaadku tilmaamayaa in lagaa doorbido oo la qaato qofkaa kale ee kaa aqoonta badan. Maxaa yeelay wuxuu buuxin karaa kaalin aadan adigu buuxin karin af la’aan aawadiis.
Cilmi baaris la sameeyey waxay gaartay in ilmaha afka hooyo ku fiicani kaga fiican yahay waxbarashada iyo barashada luuqadaha kale iyo fahankoodaba midka aan ku fiicnayn afkiisa hooyo.
W.Q
Macallin Maxamuud Naasir ( Manaasir)